Somaliksi

DIDAR waxay caawisaa dadku inay aqoonsadaan dhaqnada waxyeelada leh dhaqnkooda ku jira oo waxay ka hor tagtaa khilaafyada dhaqanada la xidhiidha DIDAR waxay bixisaa hawlaha luqaddo kala duwan ah iyo hagitaan xaaladaha ku lugta leh hanjabaada dagaalka sharfta la xidhiidha. Adeegyadu waa qarsoodi, bilaash oo waxay u furanyihiin dhammaan.

 

Ku saabsan DIDAR

DIDAR waxay ku shaqaysaa aragtiyaha dhaqanka ee sharafta ee sharfta iyo dhaqanada waxyeelada leh ee ka soo bixi kara iyaga. Hadafkayagu waa inaanu ka hortagno khilaafyada sharafta la xidhiidha.

Adeegyadu waa qarsoodi, bilaash oo waxay u furanyihiin dhammaan. Kuma xidhnin wax koox diimeed ama siyaasadeed ah. Waxaanu qayb ka nahay Qaybta Wax ka qabadka Dagaalka iyo Dhibta ee Setlementti Tampere ry. Hawl galadayada waxaa maalgelisa Wasaarada Arrimaha Bulshadda iyo caafimaadka, oo dakhliguna ka yimaado Veikkaus.

Waxaanu qabano

Waxaanu abaabulnaa falan qaynta kooxa luqaddaha kala duwan ah siiba aqoon korodhsiga wada hadalka, kooxaha hawsha, dhacdooyinka iyo kaamamka. Sidoo kale waxaanu bixinaa falan qayn iyo hagitaan xaalado adag ah oo ku lug leh khatarta dagaalka sharafta la xidhiidha.

Kuwa soo socdaa waa tusaalooyinka dagaalka sharafta la xidhiidha:
 

· Laguuma oggola inaad go’aan ka gaadho inaad lebisato.

· Waa laguu oggolyahay inaad u baxdo dibada gurigaaga si xor ah.

· Laguuma oggola inaad isticmaasho lacagtaada.

· Laguuma oggola inaad doorato cida aad la ballanto ama hadii kale wakhti aad la qaadato.

· Waxa lagugu cadaadinayaa inaad guursato wax ku lid ah rabitaankaaga.

· Waxaa lagugu cadaadinayaa inaad naftaada waxyeelayso ama qaraabadaada.

 

Waxaanu la shaqayanaa shakhsiyaadka, qoysaska iyo bulshooyinka. Waxaanu arrimaha uga wada hadli karnaa kooxo, telefoonka, iimayl ahaan ama muddada kullanka gaarka ah.

Waxaanu ku dhiirigelinaynaa dadka inay ka hadlaan wax ku saabsan aragtiyahooda sharafta, oo ay kala hadlaan iyaga xubnaha qoyskooda iyo dadka ka yimid dhaqano la mid ah. Waxaanu taageernaa dadka oo ka caawinaa xalinta xaaladaha adag qaabab tixgeliya xuquuqda aadamaha ee qof kasta.

Waxaanu ku caawinaa dadku inay u helaan xaalado aan dagaal ahayn khilaafyada hadda jira iyaddoo looga wada hadlyo arrimaha si wada jir ah. Waxaanu sidoo kale samaynaa fursado dhaqano kala duwan ah si loo kulmo iyo fursadaha wada hadalka dhabta ah ee u dhexeeya dadka. 

 

Kumaa loogu talo galay adeegyada?

Hawl galadayada waxaa loogu talo galay muhaajiriin kasta oo ku nool Finland kuwaas oo noloshoodu ay ku lug lahaan kartaa dhaqano waxyeelo leh oo la xidhiidha sharafta. Adeegyadayada waxay u furantahay dhammaan, iyaddoon loo eegin taariikhda hore ee sababta u haajirida Finland.

Waxaad nagula soo xidhiidhi kartaa telefoon ama iimayl, oo waxaad sidoo kale u samayn kartaa magaca oo la qarinayo.

Shaqaalahayagu waxay ku hadlaan Finnish iyo Ingiriisi. Marka ay lama huraan tahay, waxaanu isticmaalaan turjubaano.

Xafiiskayagu waxa uu ku yaalaa Tampere, laakiin waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa meel kasta oo Finland ku taala.